Madaxweyne Salva Kiir oo Ramadaan Maxamed u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday Wasiirkiisii ​​Arrimaha Dibadda James Pitia Morgan oo xilkaasi hayay wax ka yar muddo hal sanno ah, waxaana loo magacaabay in uu noqdo ergayga madaxweynaha ee gobolka Harooyinka.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Salva Kiir ayaana lagu shaaciyay in xilka laga qaaday wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, waxaana xilkaasi loo magacaabay Ramadaan Maxamed Abdullahi , oo horey u ah ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Sudan.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda John Samuel Bwogo, waxaana lagu bedelay oo Wasiir kuxigeenka cusub loo magacaabay Suraya Kumba .

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Koonfurta Sudan ayaa noqonaya ninkii ugu horreeyay oo muslim ah oo xilkaasi qabta, waxa uuna ninkan kamid yahay siyaasiyiinta aadka ugu dhaw Madaxweyne Sakva Kiir.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa u magacaabay wasiirkii uu xilka ka qaaday in uu noqdo ergayga u qaabilsan Arrimaha Dalalka loo yaqaano gobalka harooyinka waa weyn kuwaa oo kala ah  Burundi, DRC Congo, Ethiopia, Kenya, Malawi, Mozambique, Rwanda, Tanzania, Uganda iyo Zambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –