Askar ka tirsan Kumandoska Gorgor oo lagu fuliyey xukuno dil ah (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay u geystay falal dil ah oo ka dhacay Galmnudug.

Dilkan oo ahaa mid qisaas ah waxaa fuliyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,gaar ahaan qeybta Dowlad Goboleedka ee Galmudug .

Dilkaan qisaasta ah ayaa lagu fuliyay dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo ka tirsanaa Guutada 18-aad ee Gorgor.

Raggan ayaa dilal u geystay Allaha u naxariistee Cadnaan Cali Salaad iyo Bilan Xaashi Salaad sida ay sheegtay maxkamada.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

– Advertisement –






Previous articleXuutiyiinta Yemen oo weeraray markab dagaal oo ay leedahay dowlada Britain