Xuutiyiinta Yemen oo weeraray markab dagaal oo ay leedahay dowlada Britain

Markab dagaal oo ay leyihiin ciidmada badda ee boqortooyada UK, ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku rideen markab ganacsi oo marayey Badda Cas.

Kooxdan oo ay Iiraan taageerto ayaa xiisad weyn ka abuuray Badda Cas oo ah marin muhiim u ah isku gooshka ganacsiga dunida.

Markabka HMS Diamon, ayaa difaacay markab ganacsi oo marayey Gacanka Cadmeed oo weerar kala kulmay kooxda Xuutiyiinta Arbacadii.

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca, markabka oo adeegsanayey hannaanka Viper missile ee lagu burburiyo gantaallada ayaa ka hortagay gantaallada ay soo rideen kooxda ee ay ku bartilmamaeedsadeen markabka ganacsi. Markabka dagaal ayaa hadda ku sugan gobolka si uu uga hortago weerarada Xuutiyiinta.

Xoghayaha Difaaca UK Grant Shapps, ayaa u mahadceliyay shaqaalaha markabka si ay gacan uga geystaan “badbaadinta nolosha badmaaxiinta aan waxba galabsan” iyo ilaalinta maraakiibta.

“Ingiriisku wuxuu sii wadaa inuu safka hore kaga jiro jawaabta caalamiga ah ee Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto weerarrada halista ah ee maraakiibta ganacsiga, kuwaas oo galaaftay nolosha maraakiibta caalamiga ah,” ayuu intaas raaciyey.

Waxa uu u sheegay The Times in ay ahayd markii ugu horreysay oo markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Royal uu qabto gantaal dagaal tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991-kii.

Xuutiyiinta oo gacanta ku haya dhul badan oo Yemen ah, oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa bartilmaameedsanaya maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil iyo Reer-galbeedka si ay uga jawaabaan dagaalka Israa’iil ee ka socda Qasa.

– Advertisement –