Mareykanka oo eedeyn culus u jeediyay Itoobiya oo ku kacday Tacadiyo caddeyn wadata

Mareykanka oo ciidamada Itoobiya ku eedeeyay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixin ku saabsan xaaladda Itoobiya oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faahfaahiyay xad gudubyo ka dhan ah dadka rayidka ee ay ka qeyb qaateen ciidmada Itoobiya sannadkii 2023.

Warbixinta oo wadata caddemyo iyo marqaatiyo waxay muujineysaa in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaateen falal arxandarro ah oo isagu jira dil, kufsi, dhac, xarig sharcidarro ah iyo caburinta siyaasiyiinta iyo Wariyaasha.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta dowladda Mareykanka kasoo baxday in dadka rayidka lagu qasbay in ay ka cararaan deegaanadooda kadib marki lagu sameeyay midab takoor.

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa ka qeyb qaatay dilka 23 qof oo rayid ah, kuwaas oo goob qura ah oo ka tirsan gobolka Oromada lagu dilay bishii January ee sannadkii tegay sida warbixinta lagu sheegay.

Waxa jira Saxafiyiin iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Abiy Axmed oo lagu xiray goobo qarsoodi ah, iyaga oo aan lasoo taagin maxkamad sidoo kalena loo diiday inay la kulmaan qoysaskooda.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay waxa ay xaqiijisay in dowladda federaalka Itoobiya ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad gudubyada lagula kacaayo dadka aan waxba galabsan, iyadoona ciidamada lagu eedeeyay waxyeeleynta rayidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –