Xaaska Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon Ali Bongo ayaa xabsiga la dhigay

Published: October 12, 2023

Xaaska Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon Ali Bongo Ondimba, oo xabsi guri ku jirtay tan iyo afgambigii ka dhacay dalkaasi bartamaha Afrika dabayaaqadii August, ayaa xabsiga la dhigay, sida uu sheegay qareenkeeda Khamiistii.

Sylvia Bongo Ondimba Valentin, oo looga shakisan yahay in ay lunsatay hanti dadweyne, ayaa xabsiga la dhigay galinkii dambe ee Arbacadii, sida uu qareenkeeda Francois Zimeray u sheegay AFP, isaga oo cambaareeyay “habka sharci darrada ah ee loo xiray Marwada”.

Xaaska Bongo ayaa lagu soo oogay 28-kii Sebtembar eedeymo la xiriira lacag dhaqid iyo been abuur.

Sylvia Bongo ayaa ku jirtay xabsi guri magaalada caasimadda ah ee Libreville, tan iyo 30-kii Agoosto kadib afgambigii lagu riday Taliskii reer Bongo ee 55-ta sano ahaa.

Taliska cusub ayaa ku eedeeyay madaxii hore ee dalka iyo xubnihii la socday inay been abuur ku sameeyeen natiijada doorashada.

Gabon waa dalka saddexaad ee ugu qanisan Afrika marka loo eego wax soo saarka Qaranka, laakiin shacabka dalkaasi ayaa inta badan ku nool faqriga, sida uu sheegay Baanka Adduunka.

Horseed Media