Blinken: “Anigoo Yahuud ah, waa dareensahay in weerarkii Xamaas uu khatar ku ahaa Yuhuuda caalamka oo dhan!”

Published: October 12, 2023

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo maanta booqasho ku tagay Tel Aviv ayaa xili uu shir jaraa’iid uu la qabtay Benjamin Netanyahu Raysalwasaaraha Israel sheegay in shaqsiyan iyo waliba Qaranka Maraykanka ay si buuxda u garab taagan yihiin Israel.

Blinken oo ka hadlay taariikhda Qoyskiisa oo kamid ahaa Yahuudii ka qaxay Yurub xiligii dagaalkii labaad ee Adduunka ayaa weerarkii Xamaas ee Sabtidii lasoo dhaafay la barbar dhigay weeraradii ISIS iyo dhibaatooyinkii hore ee loo geystay dadka Yahuuda ah, ee taariikhihii hore.

Wuxuu sheegay in inta Maraykanka uu jiro uu mar walba taageero siin doono jiritaanka iyo difaacida Israel.

Blinken oo si adag u taageeray Israel ayaan soo hadal qaadin dhibaatada kasoo gaartay shacabka reer Falastiin duqeynta maalintii 6aad ku socota Marinka Gaza.

Maraykanka ayaa saanad militari usoo diray dalka Israel, isla markaana Maraakiibtiisa dagaalka kuwooda diyaaradaha xambaara usoo diray gobalka si ay u caawiyaan Israel, siduu sheegay Blinken oo maanta sidoo kale kulamo la yeeshay qaar kamid ah qoysaska dadka laga dilay iyo kuwa laga afduubay ee heysta dhalasha Maraykanka.

Horseed Media