Dowlado ka tirsan Yurub oo mamnuucay dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin

Faransiiska ayaa sheegay in uu mamnuucayo dhammaan bannaanbaxyada Falastiiniyiinta lagu taageerayo ee ka dhaca magaalooyinka dalkaas

Talaabadan ayuu sheegay in loo qaaday sababo la xiriira dibadbaxyadan oo khatar ku ah wax loogu yeeray xasiloonida dadweynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa qoraal uu u diray maamul goboleedyada ku sheegay in mudaaharaadyadu ay u badan tahay inay khalkhal ku abuuraan xasiloonida dadweynaha”, isagoo intaa ku daray in qabanqaabiyeyaasha ay wajahayaan xarig.

Britain ayaa sidoo kale sheegtay iney qaadeyso talaabo noocan ah, iyadoo taniay meesha ka saareyso xoriyad ka hadal kii ay reer galbeedku sheegan jireen iney ilaalinayaan.

Dalalka reer galbeedka badankood ayaa si indha la’aan ah u taageeray Israel ka dib weerarkii Xamaas, iyagoo dhinaca kale indhaha ka qarsaday xasuuqa iyo godoominta ay yuhuudu ku heyso marinka Gaza oo maalinkii la soo dhaafay kumanaan qof dhimasho iyo dhaawac loogu geystay.

– Advertisement –






Previous articleTirada dadka Mareykanka ah ee lagu dilay weerarkii Xamaas oo sii kordhay