Midowga Yurub oo xanibaad adag ku soo rogay Baasaboorka dalka Itoobiya

Midowga Yurub oo go’aamiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha muwaadiniinta Itoobiya.

Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka itoobiyaanka ah , waxaana uu jawaab u yahay wada shaqeyn la’aanta itoobiya iyo Midowga yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.

Golaha midowga yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu  sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku  jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay hadalka kasoo baxay   golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

Itoobiya waxaa ay ku guuldareysatay  inan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

– Advertisement –






Previous article(Dowlada Somalia oo tacsi u dirtay shacabka & madaxda dowlada Kenya Akhriso)