Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Soo Bandhigtay Diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaalaynta

Hargeysa(Dawan) Waxaa xarunta wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta ka qabsoomay shir Lagaga Doodayey Diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta.

Shirkaas oo uu hogaaminaayey  Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md  Mustafe Maxamuud Cali Bile waxa kazoo  qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Dhamaan Agaasime Waaxeedada Iyo Lataliyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud JSL,iyada oo intii shirkaasi socday lagu soo bandhigay Diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ay Curisay qabyo qoraalkeeda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Iyo Tirakoobka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo waaxdiisu diyaarisay siyaasaddan oo isna goobta ka hadlay,isla markaana ka warbixiyey diyaarinta siyaasaddan Ayaa Sheegay In Siyaasadan ay waaxdiisu mudo soo waday diyaarinteeda, waxaanu  xusay in loo baahan yahay In La qabto shir wadatashi oo ay ka qayb galaan Daneeyeyaasha ay Siyaasadani khusayso si halkaas loogu ansixiyo inta aan la horgayn Gollaha Wasiirradu.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile oo isna goobta ka hadlay Ayaa Sheegay in Qabyo-Qoraalka Siyaasadani marka uu soo dhamaado la horgayn Doono Golaha Wasiiradda Somaliland si Ay Wax ka bedel iyo kaabis ugu sameeyaan Kadibna loo dhaqan geliyo.