Siyaasiga Maxamed Cali Xirsi Obama oo Hargeysa ka daahfuray Mashruuca ONE MILLION FORUM.

Hargeysa(Dawan)Siyaasiga  Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka mid  ahaa Golihii horre Wakiilada ayaa Hargeysa ka daahfuray Mashruuca ONE MILLION FORUM oo loogu shaqaynayo shacabka Somaliland.

Mashruuca ONE MILLION FORUM ayaa waxa ku Midoobay Dhallinyarada iyo  aqoonyahanka Somaliland oo ku kala sugan Wadamada Caalamka iyo dalka gudihiisa.

Maxamed Cali Xirsi Obama oo hadal ka jeediyay daahfurkii  ONE MILLION FORUM  mid ayaa  waxa  uu sheegay  in  dadka loogu shaqaynayo,

Waxaana uu yidhi”Waxa farxad  weyn ii ah in aynu iskugu  nimaadno  Furitaanka  Mashruuca ONE MILLION FORUM,waxa aanu  ku guulaysanay in bulsho badan oo Shacabka ka mida iyo aqoonyahano badani  ay fahmaan faa,iidada qaranka ay u leedahay  ONE MILLION FORUM.waxa kale oo aanu ku guulaysanay in  Gobalada dalka oo dhan ay ka jirto  ONE MILLION FORUM,shanta qaaradood ee aduunka  cid ayaa u joogta.waxaana aan u mahadnaqayaa gudiyada gobalada dalka jooga.qof kasta oo ka midi waxa uu ku hamiyayaa sidii uu isbadal qofeed iyo daleed u samayn  lahaa oo qaran kiisa iyo dadkiisa  wax u qaban  lahaa,ONE MILLION FORUM
maaha mid faa,iido  doona mana  aha mid  Siyaasadeed,waxaana  ay noqon  doontaa mid  samafala oo dadka u shaqaysa.waxaana aanu ka fikiri doonaa sidii  shaqo  loo abuuri lahaa  iyo  dhaqaale,waxaana aanu  samayn doonaa doodo is  dhex  gala.waxaana ay  ka shaqayn   doontaa  ONE MILLION FORUM  sidii  qadiyadda Somaliland  kor ugu qaadi  lahad  iyo Midnimada dadka,waxaana qayb  ka noqon  doontaa   Ictiraaf  raadinta.waxaana uu u shaqayn  doonaa dad  kiisa iyo  qaran  kiisa,