Klopp: Halkan Horyaal Waligay Tababare Kama Noqon Doono

Jurgen Klopp ayaa u balan qaaday taageerayaasha Liverpool inuusan waligii maamuli doonin koox kale oo Ingiriis ah ka dib markii uu ka tago Anfield xagaaga.

56 jirka reer Germany ayaa ka yaabsaday kubbada cagta aduunka kadib markii uu ku dhawaaqay in uu ka tagayo Liverpool Reds kadib ku dhawaad ​​sagaal sano oo uu hogaaminayay dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda ku hogaamiyay 6 koob oo waaweyn oo uu ku jiro horyaalka premier League sanadka 2020 iyo Champions League 2019.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi””Wax kasta oo dhici doona mustaqbalka ma aqaano hadda laakiin anigu tababare dib ugama noqon doono premier League”.

“Waan ballan qaadi karaa taas, xitaa haddii aanan haysan wax aan cuno taasi ma dhacayso.”

Liverpool ayaa haatanba bilowday raadinta badalka Klopp oo ay doonayaan in ay magacaabaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.