Madaxweyne Erodgan oo Kawaanle ku tilmaamay Netanyahu xiriirka ganacsina u jaray Israel

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in ay jareen gabi ahaan xiriirkii ganacsi ay la lahaayeen maamulka Isreal, tallaabadan ayaana ah mid Turkiga uga soo horjeedaan xasuuqa Israel ka wado magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Quddus ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriiradii ganacsi ee ay la lahaayeen Israel, isla markaana sii wadi doonaan inay xiriirka u gooyaan maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdgan in aysan suurto gal aheyn in dowladda iyo Shacabka Turkiye ka aamusaan xasuuqa foosha xun ee ka dhanka ah walaalaha Falastiin ee ku sugan gudaha magaalladda Gaza.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Israel in uu yahay dambiile dad badan amray in la xasuuqo, waxa uuna ku tilmaamay Benjamin Natenyahu in uu yahay kawaanlaha Gaza.

Dowladda Turkiga ayaana si weyn u taageerta shacabka Falastiin, waxa uuna Madaxweyne Erdogan ku tilmaamay kooxda Xamaas kuwa difaac ku jira oo u dagaallamaya gobonnimada iyo sharafta dadka reer Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDowladda oo Shaacisay in Boqol Xubnood oo katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen