USA: Banaanbaxyada Ardayda Jaamacadaha ee looga soo horjeedo Israel oo sii socda

Published: April 25, 2024

Khalid Yussuf

ShareTweet

Waxaa sii xoogeysanaya Banaanbaxyada ay Ardayda Jaamacadaha ka dhigayaan xarumaha Jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Mareykanka, xili ciidamada amaanka ay xireen boqolaal arday ah oo ka qeyb qaadanayey mudaharaadka looga soo horjeedo Xasuuqa Israel ka wado dhulka Falastiin.

Banaanbaxan oo markii hore ka bilowday Jaamacada Columbia ee magaalada New York, halkaasi oo lagu xiray in ka badan 100 arday oo ay ku jirto gabar ay dhashay Xildhibaanada Ilhaan Cumar oo kamid ahayd qabanqaabiyayaasha mudaharaadkaasi maalmaha socda.

Xariga Ardaydaasi ayaa keentay caro horleh oo sababtay in Ardayda Jaamacadaha kale ee dalka Mareykanka iyaguna bilaabaan mudaharaadka.

Jaamacada USC ee gobalka California ayaa kamid ah jaamacadaha ugu danbeeyey ee uu ka dhacay mudaharaadka, iyadoo ay sii socoto xariga ay ciidamada amaanka ay la beegsanayaan ardaydan gadoodsan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Kongareeska Mareykanka ee sida weyn u taageera Israel ayaa ku baaqay in tilaabooyin adag laga qaado Ardayda taageersan Falastiin oo hakad ku keenay hawlihii xarumaha Jaamacadaha dalkaasi.

Sidoo kale Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo ka walaacsan taageerada sii xoogeysnaysa oo ay shacabka Mareykanka u hayaan Falastiin ayaa ugu baaqay dowlada Mareykanka inay wax ka qabato banaanbaxyada ay wadaan Ardayda Jaamacadaha.

Horseed Media