Madaxweyne Xassan Shiikh oo saddex arrin ku amaanay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bishan Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bishan Maajo, iyadoo la filayo in xoghayaha guud ee QM uu Soomaaliya u soo magacaabo ergay cusub.

– Advertisement –