Jarmalka oo Dacwad kusoo oogay Ajaaniib katirsan Daacish oo weeraro geesan rabay

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in la xiray dad lagu tuhmayo in ay xubno ka yihiin kooxda Daacish, waxaana dadkan dowladda xirtay ku eedeysay in ay qorsheenayeen in ay weeraro ka geestaan gudaha dalkaasi.

Xafiiska Dacwad-Oogaha Jarmalka ayaa dacwado ku soo oogay 7 qof oo ajaaniib ah oo loo heesto in ay katirsan yihiin kooxda Daacishta , waxaana raggan u xiran yihiin in ay maleegayeen weeraro argagaxiso ay ka geestaan Jarmalka iyo dalal kale oo Yurub ah .

Dadkan lala xiriiriyay kooxda Daacish ayaa dalka Jarmalka kasoo galay dhinacada xadka dalka Ukraine sannadkii 2022-kii, dambi baarayaasha Jarmalka ayaa sheegay in kooxdan aas-aaseen unug argagaxiso iyaga oo garab ka helaya xubno kale oo Daacish katirsan.

Halkan ka Akhriso magacyada dadkan Jarmalka xir xiray

1- Ata Alif oo u dhashay dalka Turkmenistan,
2- Maxamed Shahjah Alif u dhashay Tajikistan
3- Nouraldin K., oo u dhashay Tajikistan
4- Shamshad N., oo dhashay dalka Tajikistan
5- Saciid S., ooo u dhashay dalka Tajikistan
6- Rabani Z. Oo u dhashay dalka Tajikistan,
7- Abrarjan K, oo u dhashay dalka Kyrgyzstan.

Kooxdan loo heesto in ay katirsan yihiin kooxda Daacish ayaa la xir xiray kaddib markii la oggaaday in ay xiriir la sameeyeen kooxda Daacish garabka ku sugan gobalka Khorasan ee Waqooyiga dalka Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –