Tirada Ururada Siyaasadda ee u soo Gudbay ka Qayb-galka Doorashada iyo kuwa Hadhay

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddida Diiwaan gelinta ururada  iyo ansixinta Asxaabta qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay tirade ururada usoo gudbay ka qayb galka doorashada ururada iyo asxaabta qaranka iyo kuwa hadhay ee aan nasiibka u yeelan in ay ka mid noqdaan ururada usoo gudbay ka qayb galka doorashada ururada iyo asxaabta qaranka.

Urur siyaasadeedyada ka soo gudbay wareegyadii ka horreeyay ka qaybgalka doorashada ayay gudidu sheegeen in ay usoo bexeen doorasahda 9 urur siyaasadeed halka ay hadheen shan urur siyaasadeed.

Sagaalka urur siyaasadeed ee soo gaudbay ayaa kala ah Kaah, Shacabka, Waaberi, Hillaac, Rejo, Barwaaqo, Mideeye, Ogaal iyo Horseed.

Dhinaca kale, ururada kala ah Iftiin, Talo-wadaag, Ubax, Daljir iyo Miisaan, ayaa ku hadhay ku hadhay wareegii ugu dambeeyay ee qiimaynta ururada Siyaasadda  ee madaxtabaashada, waxayna ku guuldaraysteen in ay gobolada oo dhan ka wada helaan tiradii la rabay.

Qoraal ay shalay soo saareen gudida diiwaan gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta Asxaabta qaranka ayaa u dhignaa sidan.“Waxay guddida diwaangelinta ururada iyo ansixinta asxaabta Qaranku maanta(shalay) oo ay taariikhdu tahay 6 November 2022 halkan si rasmiya ugu baahinaysa ururada siyaasadda ee buuxiyay shuruudihii diwaangelinta ururada siyaasada, sidaasi darteed xaq u yeeshay ka qaybgalka doorashada asxaabta Qaranka”