WEEDHA WARGEYSKA Puntland waxay Doonaysaa in lagu Murmo Garoowe

Maamul-goboleedka Puntland wuxuu dusha ka salaaxayaa Bambo colaadeed oo hor leh oo ay ku carqaladaynayaan xasiloonida iyo nabad-gelyada shacbiga ku dhaqan deegaamada gobolka Sool ee ku teedsan xuduudka Somaliland la wadaago Soomaaliya, sida laga arkayey maalmihii u dambeeyey dhaqdhaqaaqyada iyo talLaabooyinka laga soo abaabulay Garoowe ee lagu soo simay Jiidda nawaaxiga Degmada Boocame oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Puntland hore waxay uga hulleeshay magaalooyin iyo deegaamo  Somaliland ah oo ay haysan kari wayday oo waliba Istaraatiiji u ahaa, sida Tukaraq oo hadh cad lagala wareegay iyo kuwa kale, imikana Tamar iyo Turuq cusub may soo iibsan oo uguma baalxooftaynayso Jamhuuriyadda Somaliland, balse waxa shidaya laba qodob oo salka ku haya mashruuc dhaqaale iyo dan siyaasaddeed oo ay ku go’doominayso bulshada gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag.

Waa midda koowaade, waxay doonaysaa inay dhiidhi-geliso bulshada ku dhaqan dhulkaasi oo ay hubka iyo rasaasta guryaha u yaalla ee ay xoolaha kaga ilaashadaan Waraabaha ka dhaadhiciso inay kula dagaalamaan Qarankooda, isla markaana waxa ay kooxda Garoowe u ollollaynaysaa, una tumaysaa durbaanka munaafaqadeed sidii ay isugu dhici lahaayeen rayidka iyo dawladddu, dabadeedna ay u abuurmi lahayd riiq colaaddeed iyo fidmo dhiig-ku-daato, taasoo yoolkeeda iyo yatatabaheedu uu muddooyinkan dambe ka socdo agagaarka Boocame iyo deegaamada ku xeeran, maxsuulka tallaabadaasina  waa in uu sii jiro go’doonka dawlad la’aaneed ee haystay mujtamaca ku nool deegaamada Soamliland ee maalinba mid lagu sii durkayo.

Qodobka labaad, marka la eego qaabka ay wax abaabullayaan siyaasiyiinta ka tirsan Maamulkaasi iyo horgaleyaasha Ciidamadooda ee maalmihii la soo dhaafay warbaahinta ka hadlayey, waxa muuqata inay dhiilladooda iyo dhawaaqyadoodu salka ku hayaan qorshe ay hub iyo dhaqaale kaga ruxanayaan Xukuumadda itaalka daran ee Muqdisho oo ay kaga ridanayaan qaybtooda saannada iyo lacagta loo isticmaalayo qorshaha dagaalka kacdoonka shacbiga ku bilaabmay ee la-dagaalanka Alshabaab, waxaanu maamulkaasi doonayaa inuu saadkiisa saami-goboleedka uu ku helo uu uga faa’idaysto sidii xasarad dhiig ku qubto ugu soo qaadi lahaa Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana taasi caddeyn u ah ereyada ay isticmaalayaan iyo luuqada ay kula hadlayaan maleeshiyaadka ay urursanayaan oo u badan dhalinyaro war moog ah iyo geel-jire la rabo in been iyo borobagaando lagu jibbo geliyo, kaddibna iyaga oo maqiiqan faramaha dagaalka la soo geliyo si’ ay dabka iyo hollaca ugu le’daan.

Qorshahaasi waa mid cad oo raadkiisu muuqdo, kana soo unkamay go’aamadii lagu kala qaatay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen dabayaaqadii bishii October Xasan Sheikh iyo shanta madaxweyne goboleed ee uu dalkaasi u kala oodan yahay, kuwaasoo daandaansigooda ku wajahan Jamhuuriyadda Somaliland uu kamid ahaa qodobadii ka soo baxay kulankooda, oo ay kaga hadleen arrimo deelqaaf iyo faro-gelin ku ah arrimaha gudaha dalkeena, kana jawaabeen masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore).

Sidaasoo ay tahay, waxa xaqiiqo ah in Dawladda Somaliland ay og tahay ujeeddo kasta oo ka dambeysa buuqa iyo sawaxanka miidaamada ah ee Garoowe laga soo afuufayo, waxaanan wadamada caalamka ee taageera Maamulka Xamar  la gudboon inay ka fiirsadaan, feejiggona u yeeshaan colaaddaha iyo dhibaatooyinka looga faa’idaysanayo caawimada ay bixinayaan, taasoo haddii aanay gardarrooyinka socda ee lagu hayo Qarankan isku-tashaday dawladnimadiisa, ula mid noqon doona cadowga Indho la’aantu hagayso ee ku soo heshiiyey Hoyga qaraxyada iyo gumaadka rayidka waa Muqdisho’e,  isla markaana uu hogaaminayo Xasan Sheikh Maxamuud oo ah siyaasi labac-labaclayn iyo laab-la-kac ku suntan, kaasoo muddada kooban ee uu xilka hayey ku hafanayey isbed-bedelka xaaladaha mandaqada iyo hirdanka quwadaha ku loollamaya oo ka dhigay Shimbir dabayli sidato oo hawada ku asqaysan.

Sidaasooy runtuna horteenna taallo, Boocame waa Dhul Somaliland ah oo waliba istaraatiiji ah, shacbiguna waa dad reer Somaliland oo la xuquuq ah umadda ku dhaqan Burco, Hargeysa, Ceerigaabo, Laascaanood, Boorama iyo Gabiley. Haddii uu jiro farqi siyaasaddeed oo la xidhiidha tabashooyin sed-yaraaneed ama in aanay dawladnimadu gaadhin wakhti hore , taasi waa duruuf soo jiitamaysay oo maalinba qayb la xalillayey.

Sidoo kale haddii uu jiro saluug waxqabad la’aaneed oo adeegyada aasaasiga ah iyo yaraanshiyo xagga saameynta dawladnimada ah waa marxalad la hubo in sida ugu dhakhsaha badan looga gudbi doono. waayo shalay ayey ka taagnayd cabashada waxtar yaraanta dawladdu Berbera, Burco iyo meelo kale oo loo yaqaano in aan loola sed sinayn khayraadka aasaasiga ah, hase yeeshee waxa la hubaa in maalinba xukuumadda joogtaa horumarka dalka ku fidiso deegaamo hor leh oo aan hore  waafi buuran u helin.

Sidaasi awgeed, waa gar iyo daw dareen tabasho oo ay qabaan muwaadiniinta milgaha iyo sharafta leh ee ku uuman mandaqada aynu ka hadlayno ee gobolada Bari,gaar ahaan deegaamada ay hay’adda difaacu gacanta ku dhigeen bilihii u dambeeyey,  waxaanan xukuumadda talada haysa oo sida la hubo aan u dedaal yarayn dadkaasi mar kale ku boorinaynaa inay gaadhsiiso maamulka rayidka ah iyo adeegyada muhiimka ah ee ay dadku u baahan yihiin, sida Caafimaadka, Waxbarashada, nabad-gelyada iyo wixii la hal-maala.

Maamulka Puntland haddii uu joojin waayo gar-daradda joogtada ahna waxa hubaal ah in dhirbaaxada ay kasbanayaan ku dhici doonto Magaalada Garoowe, kaddibna laga wada hadlo wixii dan iyo wada-noolaanshiyo ah, waana natiijada ka dhalanaysa damaceeda habowsan.