Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha wasiiradda xukuumada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay S/Guuto Sulub Axmed Firin oo katirsanaa saraakiisha ciidanka booliiska xilal kala duwana horey uga soo qabtay taliska ciidanka.

Jeneraal Xijaar oo kamid ahaa taliyaashii ciidanka ee sida aadka ugu dhawaa madaxweyne hore  Farmaajo ayaa in muddo ah la hadal hayay in xilka laga qaadayo, waxa uuna nasiib u yeeshay in uu sii joogo muddo lix bilood kabadan kaddib baxitaankii Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in isna xil ka qaadis lagu sameeyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa oo isna kamid ahaa saaxiibadii Farmaajo, waxaana socda latashiyo madaxda ka leeyihiin isbadal talisaka milatariga isna lagu sameeyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleRep. Ilhan Omar calls out Republicans ahead of potential vote to take away committee post Star Tribune