Shirkad diyaaradeed oo miisaameysa culeyska qofka inta uusan raacin diyaaradda !

Air New Zealand ayaa miisaamaysa rakaabka ka hor inta aysan raacin duulimaadyada caalamiga ah, taasoo qayb ka ah sahan lagu ogaanayo celceliska miisaanka rakaabka.

Miisaanka ayaa si qarsoodi ah loogu qori doonaa kaydka xogta laakiin ma arki doono shaqaalaha duulimaadka ama rakaabka kale, shirkadda ayaa sidaasi tiri.

Air New Zealand ayaa sheegtay in ogaanshaha celceliska culeyska rakaabka ay hagaajin doonto waxtarka shidaalka mustaqbalka.

Ka qayb qaadashada sahanka waa ikhtiyaari, ayay shirkaddu ku dartay.

“Hadda oo duulimaadyadii caalamiga ahaa dib loo soo celiyay oo ay socdaan, waxaa la joogaa waqtigii hay’adaha caalamiga ah ay cabbiri lahaayeen culeyska rakaabka,” ayay shirkaddu ku sheegtay war-saxaafadeedka.

Air New Zealand waxay waydiin doontaa cabbirka in ka badan 10,000 oo macaamiil ah oo ku safraya shabakadeeda caalamiga ah inay ka qaybqaataan sahanka.

Rakaabka waxaa lagu miisaami doonaa irdaha duulimaadyada qaarkood ee ka dhoofaya garoonka caalamiga ah ee Auckland inta u dhaxaysa 29ka Meey iyo 2da Luulyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –