Madaale oo Lacago baad ah ka raba Shirkado Qandaraasyo la siiyay iyo Dacwad laga gudbiyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa bilaabay qorshe uu lacago baad ah uga qaadanayo shirkado horey qandaraasyo uga heestay maamulka gobolka Banaadir.

Sida aan xogta ku helnay Yuusuf Madaale ayaa u wacay shirkado horey qandaraasyo sannado ah ugu saxiixay guddoomiyihii ka horeeyay ee Cumar Finish, waxa uuna Madaale  shirkadahan ugu amray in mar kale dib isku soo diiwaan-geliyaan.

Madaxda shirkadaha qandaraasyada horey uga qaatay gobolka ayaaan markii ay u tageen Madaale ku amray in lacago badan oo baad ah bixiyaan, waxa ayna madaxda shirkadaha u sheegeen guddoomiyaha in ay heestaan qandaraasyo sifo sharci ah ku qaateen.

Duqa Muqdisho iyo madaxda shirkadaha qaar ayaa shir ay yeesheen ku kala tagay, waxa ayna madaxda shirkadaha iska diideen in lacago badan oo baad ah bixiyaan , waxa ayna sheegeen in horseed u noqoneyn bixinta laaluush xilli dowladda dagaal kula jirto musuq maasuqa.

Shirkadaha qandaraasyada heesta ayaa tusay guddoomiyaha qandaraasyada horey loogu saxiixay muddo sannado ah , waxa ayna dacwad ka dhan ah Madaale u gudbiyeen madaxda shirkadaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Wararka aan helany ayaa sheegaya in Yuusuf Madaale deg deg u yeeray madaxweynaha laguna cannaantay hab dhaqanka cusub uu lasoo baxay, waxaana Madaale lagu amray in shirkadaha u fasaxo shaqadooda isaga oon ku xirin wax shuruud ah.

Madaxweynaha ayaana la sheegay in Madaale u cadeeyay in uu wax ka bedel hab maamulka uu ku shaqeeyo, waxa uuna Xasan Sheekh u sheegay guddoomiyaha in marar badan hoos u xaliyay dacwado badan oo laga soo gudbiyay.

Yuusuf Madaale ayaana fashil kala kulmay qorshihiisa qaadashada lacagta baada ah, waxa uuna Duqa magaalada damacsanaa shirkadaha diida lacagta baada ah in uu shaqada ka joojiyo uuna qandarasakaasyo cusub siiyo shirkado kale ay wataan rag ay qaraabo yihiin.

Guddoomiye Madaale ayaa markii xilka loo magacaabay si dhaqso ah inta aan lasoo magacaabin kuxigeennadiisa u bixiyay qanadraasyo badan uu ku helay lacago malaayiin dollar ah, waxa uuna qadnaraasyadaasi badankood siiyay ganacsato iyo rag kale oo ku heyb ah.

Madaxda dalka ugu sareysa ayaana marar badan ku dhaartay in ay la dagaalamayaan musuq maasuqa, haddana wax tallaabo ah kama qaadaan madaxda kale ee dowladda ee musuqa wada uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –