Imaaraadka Oo ka baxay Isbahaysiga Amaanka Badda Bariga Dhexe

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni.

Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka.

Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran.

“Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM.

Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Shan toddobaad kahor, Iran waxay toddobaad gudihiis ku qabsatay laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo ku sugnaa biyaha Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz. Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.

Ciidamada Badda Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsi loo diray si ay uga falceliyaan arirntan.

Horseed Media