Puntland oo beeraysa 20,000 oo geed todobaadka dhiraynta.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ilyas Cismaan Lugatoor ayaa maantay Garoowe ka daah-furay todobaadk dhiraynta Puntland oo mudo 7 cisho ah ka socon doona deegaanada Punland.

15 degmo oo kamid ah Puntland ayaa la qorsheeyey in lagu beer 20,000 oo geed mudo todobaad ah si kor loogu qaado bilicda magaalooyinka ayna uga qayb qaataan yaraynt saamaynta isbadalka cimiladda.

Waxaa lagu soo bandhigay xog aruurin laga sameeyey caqabadaha haysta deegaanka oo ay kamid yihiin jarista dhirta,dhuxusha,wasakhaynta deeganka  iyo sida loo yarayn karo saamaynta isbadalka cimiladda.

Saamaynta isbeddelka cimiladu ayaa noqotay  mid ballaaran waxaan dunidu ay wajahaysaa maalmo kulayl badan,abaaro daran, biyo la’aan, daadad, duufaannada masiibada ah kuwaas oo soomaaliya saamayn xoogan ku yeeshay.

PUNTLAND POST.