(Sawirro) Madaxweynayaal iyo wufuud caalami ah oo ku sugan caasimada Tigray ee Makelle

Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Kenya iyo Nigeri Uhuru Kenyatta iyo Olsengo Obasanjo ayaa booqasho ku tagay magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray woqooyiga Itoobiya.

Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria ahna ergayga Midowga Afrika ee Geeska Afrika Olusegen Obasanjo iyo Madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo uu weheliyo xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa y magaalada Mekele, kaga qayb qaadanaya daah-furka rasmiga ah ee habka Kormeerka heshiiskii nabadeed ee dhexmaray dowlada Itoobiya iyo maamulka Tigray.

Madaxweynaha maamulka Tigray Debretsion Gebremichale, afhayeenka TPLF Getachow Reda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Tigray ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Alula Abanega ee ku yaalla duleedka magaalada Makelle

Sidoo kale, warbaahinta Dimtsi Woyane ayaa sheegtay inay yimaadeen safiiro iyo diblumaasiyiin kale oo ka kala socda in ka badan 32 wadan

Booqashada waxaa kale oo qeyb ka ah Wasiirka Cadaaladda ee Itoobiya Dr. Gedion Thimotios, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, iyo sidoo kale diblomaasiyiin ka socda Midowga Afrika & dalalka Yurub.

Waxay u tageen magaalada Mekele si ay ugu kuurgalaan dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen dawlada dhexe iyo deegaanka Tigray.

Dagaalyahanada TPLF ee gobolka Tigray ayaa lagu wadaa iney hubkooda waaweyn ku wareejiyaan milateriga federaalka Itoobiya oo haatan ku sugan magaalada Makelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –