(Sawirro) Qarax dhacay xilli uu Madaxweyne Buhari xariga ka jarayey Mashaariic

Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Qarax  ka dhacay Degmadda Karaworo ee Gobalka Kogi ee ku yaalla Bartamaha Waqooyi (North-Central State) ee dalka Nigeria.

Qaraxa oo ahaa Gaari miineysan ayaa la sheegay inuu dhacay 30 daqiiqado ka hor socdaal uu Madaxweyne Muhammadu Buhari ku tegi lahaa Gobalkaasi si uu xariga uga jaro dhowr Mashruuc oo laga hirgeliyey Deegaanadaasi.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in la rumeysan yahay inuu Qaraxaasi uu gallaaftay Nolosha yaraan 4 qof oo ku sugaa Degmadda Karaworo.

Goobjoogayaal u dhawaa goobta Qaraxa oo la hadlay Warbaahinta PREMIUM TIMES ayaa xusay inuu Qaraxu ka dhacay meel ku dhow Albaabka Weyn ee laga galo Qasriga Amiir “The Emir’s Palace”.

Wararka ayaa sheegay inuu qarxay Gaari lagu soo xiray miinooyinka nooca  meelaha Fog laga hago ee loo adeegsado qalabka Remote Control.

Qaraxa kadib, waxaa aad loo adkeeyey Amaanka, iyadoo Ciiddan badan la dhigay Baraha Kontoroolka, lana baarayey Dadka iyo Gaaadiidka, muddadii uu Madaxweyne Muhammadu Buhari xariga ka jarayey Isbitaal casri ah iyo Mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgeliyey qeybo ka mid ah Gobalka Kogi ee dalkaasi.

Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –