Ciidanka dowlada oo degaano Istraatiiji ah kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka & Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay degaannada Gandarshe iyo Jilib Marka ee gobolka Sh/hoose

Labadan degaan waxaa muddo dheer ka talinayey kooxda Al-Shabaab oo isaga shalay ka hor inta aysan gaarin ciidamada dowlada.

“Howlgallo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa waxaa Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Khawaarijta Al-Shabaab” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka DF.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad oo horay howlgalo ballaaran uga sameeyey degaano badan oo ku yaala inta ku dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho ilaa iyo magaalada Marko, iyagoo sheegay iney cagta mariyeen jidgooyooyin iyo maxkamado  Al-shabaab ku lahaayeen degaano ku teedsan wadadaas.

Dowlada Somalia ayaa wada guluf dagaal oo sida ay sheegtay guud ahaan dalka looga saarayo kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamada DF ay illaa hadda ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan gobolka Sh/dhexe guud ahaan, inta badan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –