Urur Goboleedka IGAD oo mashruuc biyo galin ah ka hirgelinaysa magaalada Tog-wajaale

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) – Urur Gobaleedka IGAD ayaa  magaalada Tog-wajaale ka hirgelinaysa mashruuc looga faa’iidaysanayo biyaha dhulka hoostiisa ah si kor loogu qaado iskaashiga wadamada jaarka ah ee Geeska Afrika.

Masuuliyiintii kasocday wadamada urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Hogaamiyaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalooyinka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Gobaladda Waqooyi ayaa warbaahinta kula hadlay xudduuda labada magaalo.

“Maanta waxaan halkan ujoognaa qorshe qayb ka ah barnaamij balaadhan oo laga fulinayo Dalalka qaybta ka ah IGAD oo ah dhanka biyaha”, Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in mashruuca ka faa’iidaysiga dhulka biyaha hoostiisa kujira oo ah hindise cusub oo ay hoggaaminayso IGAD uu wax weyn katari doono iskaashiga dhanka biyaha ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Africa kajira dhammaantood.

“Maanta waxaan halkan unimaanay  anaga oo ka kooban qaar kamid ah wadamada IGAD mashruuca horumarinta adeega biyaha dhulka hoostiisa ah, waxaana Tog-wajaale ka wadnaa mashruuc biyo-galineed oo balaadhan kaasi oo aanu rabno in ay kawada faa’iidaystaan bulshada labada magaalo” Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee JDFI, Dr. Inj. Habtamu Itafa .

Wafdiga waxaa xudduuda Deegaanka iyo Gobaladda Waqooyi kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Gobaladda Waqooyi, Maxammed Kaahin Axmed.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi ayaa soo dhaweeyay mashruuca isaga oo sheegay in uu wax wayn ka tarayo iskaashiga gobolka, isla markaana waxa uu sheegay in biyaha lagu balaadhin doono magaalada.

Mashruuca biyo-gelinta magaalada Tog-wajaale oo ay ku baxayso In kabadan 490 milyan oo birr.