Safiirka Somalia ee Ugandha oo arrimo muhiim ah kala hadlay Danjire Mundir F. Abdiaziz

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Masar ee Uganda Danjire Mundir Fatxi Abdicasiis Mohamed Saalim ee dhawaan la soo magacaabay

Labada safiir ayaa ka wadahadlay xariirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen ee ku jirto danaha labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Safiirka Masar oo bilaabay in booqasho ugu tago safiirada dhiggiisa ah ee uga soo heereyey dalka martida loo yahay ee Uganda ayaa safiir Mundir Saalim ka dhigay booqashadiisa ugu horaysa inay noqoto Safiirka  Soomaaliya ee Uganda.

Dhankiisa Safiir Cali oo ka mahad celiyey booqashada ayaa u balan qaaday safiirka Masar in wixii waaya-aragnomo dhanka Uganda uu ku caawin doono si dhowna ay u wada shaqayn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –