Madaxweyne Guudlaawe oo Safar dhulka ah uu ku gaaray magaalada Jowhar (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta socdaal dhulka uga soo ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Dowladda Hishabeelle.

Madaxweynaha oo safarkaan uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa socdaalkiisa kusoo maray degmooyinka Warsheekh, Raage Ceelle iyo deegaanaada Warciise iyo Qoordheere oo dhowaan laga xureeyay kooxaha khawaarijta ah ee alshabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo gaaray Magaalada Jowhar oo ay kusoo dhoweeyeen Xubnaha labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin kale.

– Advertisement –