Riyada Guusha Iyo Sabirka!


Maalqabeenka Mark Cuban waxa uu ku soo jeeda qoys xoogsato ah oo degenaa  Pittsburgh ee Maraykanka mana ahayn nin taajir oo maalqabeen ah markii hore. Wakhtigii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Indiana 1981 ee dalka Maraykanka, wuxuu shaqo ka helay shirkad iibisa barnaamjiyada computerka, inkasta oo markii danbe laga eryay.

Cuban oo markii shaqada laga eryay uga waramay  xarunta warbaahinta ee Arianna Global Podcast,  ayaa yidhi “ Anigu marna ma iloobi doon maamulihii shaqada iga eryay, wayo waxaan ka bartay inuu jiro maamule dib u socod ah, xaqiiq wuxu ahaa dib u socod ah”mentor reverse”.  Waxaana sabab u ahaa erigiisa markii uu maalin keliya furi waayay dukaanka isagoo ku mashquulsanaa macmiil muhiim ah. Inkasta oo Mark Cuba ka codsaday in aanu shaqada ka eryin, haddana maamulaha Michel waxba kama aqblin sidaasi ayuu shaqadii kaga tegay.

Halkaasi ayuu ka bilaabay fikirka abuuridda shaqo isaga u gaar ah oo ahayd dukaanka Microslution, muddo yar ka dibna waa uu xoogsatay ganacsigiisu. Sanadkan 2020 , maalqabeenada dunida ayuu ka mid yahay isagoo hantidiisa lagu qiyaasay $ 4.2 Billion doller.  Sida ay cadaysay  Forbes.  Mark Cuban mar uu ka hadleeyay riyadiisa guusha waxa uu ydihi :” Macno ma leh inaad marar badan fashilanto. Laakiin mar keliya yoolka gaadho, dadkoo dhami mar keliya ayay ku odhanayaan “ waxaad tahay naajax”.






Previous articleMurugada Arrimaha Isku Midka Ah!
Next articleFikirka Muhiimka Ah Ee Qofka !