Murugada Arrimaha Isku Midka Ah!


Nin xikmad ayaa saaxiibadii uga sheekeeyay qiso xiiso leh, markii uu dhameeyaya ayay dhamaantood wada qosleen. Haddana isla sheekadii ayuu mar kale ku celiyay , markii uu dhameeyay tiro badhkeed ah ayaa qososhahay. Haddana mar kale ayuu bilaabay sheekaddii oo uu dhameeyay qofna wuu qosli waayay.

Markii ay qosli waayeen ayuu ku yidhi :” Maxaad qosolkii u joojiseen iyadoo isla sheekadii ah?”  Markaasi ayay yidhaahdeen “ waa qiso isku mid ah “. Ninkii xakiimka ahaa ayaa ku yidhi “ hadaa maxaad arrin isku mid ah murugadeeda u joogtaysaan, hadaanay arrin qosol lahayd aydaan joogtaynayn”?






Previous articleXikmadaha!
Next articleRiyada Guusha Iyo Sabirka!