Paris: Booliiska oo weerar ku qaaday mudaharaad lagu taageerayey Falastiin

Published: October 13, 2023

Hanad Askar

FacebookTweet

Booliiska Faransiiska ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u burburiyaan isu-soo-bax la mamnuucay oo lagu taageerayay shacabka Falastiin oo habeenkii Jimcaha soo galayey ka dhacay magaalada Paris.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay inay illaaliyaan midnimadooda, iyadoo laga cabsi qabo inay wadankaasi ku faafto colaadda Israa’iil iyo Xamaas, dalkaasi oo ay ku nool yihiin jaaliyadaha ugu waaweyn ee Muslimiinta iyo Yahuuda Yurub.

Weerarkii ka dhacay dhulka Israel heysato oo ay geysatay kooxda Xamaas ayaa waxaa dadka lagu dilay kamid ahaa ugu yaraan 13 qof oo u dhashay Faransiiska. Sidoo kale 17 kale oo ay ku jiraan caruur heysata dhalashada Faransiiska ayaa la la’a yahay iyadoo la rumeysan yahay inay ku jiraan dadka ay qafaasheen dagaalyahanada Xamaas.

Macron ayaa sheegay inuu dadaal xoogleh ugu jiro sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen dadka la afduubtay.

Khudbadda Macron ayaa timid iyadoo ay sare u sii kacayaan weerarada Yuhuuda nacaybka ah ee ka dhacaya guud ahaan Faransiiska tan iyo markii Sabtidii ay Xamaas weerareen Israa’iil.

Horseed Media