13 ka mid ah la heystayaashii Israel oo ku dhintay duqeynta ku socota Gaza

Xamaas ayaa sheegtay in duqeynta Israa’iil ay ku dishay 13 ka mid ah la haystayaasha Yuhuuda oo ay ku jiraan ajaanib.

Ma aysan sheegin dalalka ay u dhasheen ajaaniibta, iyadoo sheegtay in la dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo Maamulka Yuhuuda.

Israa’iil ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ku garaacday Qaza tan iyo dhamaadkii todobaadkii hore oo dagaalyahannada Xamaas ay gudaha u galeen koonfurta dalkaasi ayna ku xasuuqeen boqolaal qof oo ay ku jiraan carruur guryahooda ku sugan iyo dhallinyaro ku sugneyd bandhig faneed. Xamaas ayaa sidoo kale qafaashay ilaa 150 qof oo la geeyey Qaza.

Milatariga Israel ayaa u sheegay ilaa 1 milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza maanta inay ka baxaan waqooyiga magaaladaas sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Q.Midoobey waxay ka digtay in dad badan oo si wadar ah u qaxaya ay musiibo noqon doonto, Xamaas oo todobaadkan weerar naxdin iyo argagax leh ku qaaday Israa’iil ayaa ku gacan sayrtay amarka Israiil waxayna dadka ugu baaqday inay guryahooda joogaan, taasoo sii kordhinaysa argagaxa baahsan.

Amarka daad-gureynta, oo ay ku jirto magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah, ayaa jahawareer ka dhex abuuray dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka ee horay uga cararay duqeymaha Israa’iil, waxayna la tacaalayaan go’doomin guud iyo dhul dhan oo koronto ah.

“Cunto iska ilow, koronto iska ilow, shidaalna iska ilow. Welwelka kaliya ee hadda jira waa haddii aad aad noolaan doonto, iyo halkii aad gabaad ka dhigan laheyd “ayuu yiri Nebal Farsakh, oo ah afhayeenka Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ee magaalada Gaza.

Dagaalkan oo socday muddo todobaad ah ayaa waxaa horay u galaaftay nolosha in ka badan 2,800 oo qof oo labada dhinac ah, waxaana xiisado colaadeed ay ka dhaceen gobolka oo dhan.

– Advertisement –