Miyuu Arthur Melo Ciyaari Doonaan Kulanka Everton? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay saxiixiisa cusub ee Arthur kaas oo maalintii ugu dambaysay ku soo biiray kooxda Liverpool.

Arthur ayaa si lama filaan ah ugu soo biiray Liverpool maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Klopp oo ka hadlaya Arthur ayaa yidhi”Run ahaantii waan ku faraxsanahay in aan la soo saxiixanay Arthur Melo”.

“Waa xiddig ku fiican kubad haysashada sidoo kale waxa uu ku fiicanyahay baaska in uu ka dusiyo meelaha aadka cidhiidhiga u ah”.

“Run ahaantii waa ciyaarto fiican”.

“Laakiin sida aan ka war qabo ma ciyaari doono Kulanka Everton sababta oo ah waxa la ii sheegay in warqada shaqadu soo bixi doonta sabtida sidaas darteed waxa uu diyaar u noqon doonaa kulanka Napoli”ayuu sii raaciyay.