Kooxaha Premier League Ee Saxiixyada Ugu Badan Sameeyay Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si Rasmi ah xidhmay shalay oo khamiis ahayd waxana jira saxiixyo badan oo la sameeyay intii uu furnaaa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxaha premier League ayaa sameeyay saxiixyada ugu badan intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo ku xoojiyay kooxohooda.

Gaar ahaan waxa jira kooxo sameeyay saxiixyada ugu badan ee suuqa kala iibsiga xagaaga kuwaas oo si fiican u galay suuqa kala iibsiga.

Kooxda Nottingham Forest ayaa ah kooxda saxiixyada ugu badan samaysay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga sameeyay 21 saxiix intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxa ku xigta kooxda Southamton kuwaas oo sameeyay 11 saxiix intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga

Waxa ku xigta kooxda Fulham kuwaas oo sameeyay 10 saxiix intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxa ku xigta kooxda chelsea kuwaas oo sameeyay 9 saxiix intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga