Milateriga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladiisi

Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladiisi gaarka ahayd.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay horjoore Maxamed Nuur Shire iyo 13 dagaallame oo ilaalo u ahayd.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in hawlgalkaas laga fuliyay degaanka Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin warka ku saabsan in horgooge Maxamed Nuur Shire looga dilay degaanka Jannaale.

PUNTLAND POST