Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kulanka Ay Chelsea La Ciyaari Doonto Wolves

Mark Lawrenson ayaa aaminsan in kooxda chelsea ay garaaci doonto kooxda Bilaa tababaraha ah ee Wolves kulankooda maanat ee horyaalka premier League ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Blues ayaa badisay labadii kulan ee hore ee uu hogaaminayay tababaraha cusub ee Graham Potter iyaga oo 3/0 ku garaacay Ac Milan kulankoodii ugu dambeeyay halka ay 2/1 Kaga badiyeen Crystal palace.

Kooxda martida loo yahay ayaa rikoor xun ka heysata kooxda Wolves iyaga oo bar-baro la galay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay halka ay badiyeen kaliya laba kulan 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay.

Wolves ayaa dhalisay kaliya 3 gool horyaalka xilli ciyaareedkan waxana ay haatan ku jiraan saddexda kooxood ee ugu hooseeya waxana uu Lawrenson aaminsan yahay in ay Chelsea badin doonto kulankan.

“Wolves waxa ay raadinayaan tababare cusub halka Chelsea ay haysto Graham Potter, si fiican ayuu ku bilowday waxayna heleen natiijo wanaagsan Labadii kulan ee ugu dambeeyay sidaas darteed Blues ayaa heli doonta 3-da dhibcood”.