Madaxweyne Putin oo heegan geliyey ciidankiisa qaabilsan hubka Nuclearka

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Khamiista ka digay in ciidamadiisa Nukliyeerka ay “mar walba” heegan ku jiraan, isla markaana Ruushka aanu u dulqaadan doonin halis kasta oo kaga timaada Reer Galbeedka.

Khudbad dhiifoonaan ah oo uu ka jeediyey Fagaaraha Cas ayada oo ay dhageysanayaan kumanaan askari, ayuu Putin ku ammaanay ciidamadiisa ka dagaalamaya Ukraine, waxa uuna ku eedeeyay “Hal-doorka Reer Galbeedka” in ay hurinayaan colaadaha adduunka.

“Russia waxa ay sameyn doontaa wax walba oo ay uga hortageyso dagaal caalami ah, hase yeeshee isla markaana cidna kama ogolaan doonno inay na handado. Ciidamadeena xeeladda mar walba waxay ku jiraan heegan,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayay dhoolatuska Maalinta Guusha.

“Saaxiibayaal qaali ah, Ruushku hadda waxa uu marayaa xaalad adag oo muhiim ah. Masiirka dalka hooyo, mustaqbalkeedu waxa uu ku xiran yahay qof kasta oo naga mid ah,” ayuu yiri.

Munaasabadda 9-ka May ayaa lagu xusaa guushii ay Midowga Sofiyet kaga adkaadeen Naaziyiintii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxayna noqotay maalinta ugu muhiimsan munaasabadaha dadweyne ee Ruushka, ayada oo Putin uu dalkiisa cagta u saaray dagaal.

Madaxweynaha Ruushka ayaa marar badan u qaabeeyay dagaalka hadda lagula jiro Ukraine inuu yahay dagaal jiritaan oo ka dhan ah “Naazimada”.

Putin ayaa sidoo kale kor u qaaday hadaladiisa nukliyeerka. Horaantii todobaadkan, wuxuu amar ku bixiyay in militariga Ruushka ay qabtaan dhoolatusyada hubka nukliyeerka oo ay ku lug leeyihiin ciidamada badda iyo ciidamada saldhigoodu yahay meel u dhow Ukraine.

Sannadkii hore Ruushku waxa uu meesha ka saaray ansixinta heshiiska mamnuucidda tijaabada Nukliyeerka ee dhammaystiran, waxana uu ka baxay heshiis muhiim ah oo lagu dhimayo hubka oo kala dhaxeeyey Maraykanka.

– Advertisement –