Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo xabsiga laga sii daayay

Madaxwaynihii hore ee waddanka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii uu dhammeystay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu xukumay, sida ay sheegtay dowladda dalkaas.

Zuma ayaa sanadkii hore lagu xukumay 15 bilood kadib markii uu iska dhaga tiray awaamiir maxakamadeed oo faraysay in uu yimaado dhegeysiga eed la xiriirtay musuqmaasuq intii uu ahaa madaxweynaha dalkaas.

Bayaan uu soo saaray ayuu Zuma ku sheegay inuu dareemay nafis markii uu noqday nin xor ah, wuxuuna u mahadceliyay taageerayaashiisa.

PUNTLAND POST