Maxuu Tababare Pep Ka Yiri Dadka Is Bar-bar Dhigaya Messi Iyo Haaland?

Tababaraha Man City ee Pep ayaa carabka ku adkeeyay in mustaqbalkiisa kooxda uusan ku xerneyn weeraryahankiisa Haaland

Haaland ayaa furtay bankiga gool dhalinta , waxa uuna 5 kulan ku dhaliyay 9 gool iyadoo uu nooqday laacibkii ugu horeeyay sidaas sameeya taariikhda PL .

” Ma jirtaa dhibaato aan ku qabo la shaqeynta Haaland?waa 22 sano jir marka 23 uu gaaro ayay xaaladda adkaan kartaa” ayuu si kaftan leh u yiri

Mar uu ka hadlayay is bar bar dhigga Messi iyo Haaland waxa uu tababare Pep yiri ” aad ayaan ula dhacsanahay dadka awooda saadaalinta waxa mustaqbalka dhacaya , aniga sidaas sameyn karo”

“Bilo ka hor waxa ay lahaayeen Haaland waa ku adag tahay la qabsiga PL balse haatan rikooro ayuu dhigayaa hadaba beri waxa dhavcaya ma aqaan , sidaas oo ay tahay qiyaas waxa dhici kara laba sanno gudahood” ayuu sii raaciyay tababare Pep

Mar kale ayaa la weydiiyay in joogitaanka Haaland uu saameyn karo mustaqbalkiisa City maadaama hishiiskiisa uu ku siman yahay xagaaga 2023-da waxa uuna yiri ” aniga City ayaan u shaqeynayaa ee ma aha maslaxadda  Haaland”