Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta galinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kaddib safar aan horay loo shaacin oo 3-dii bishan April uu ku aaday dalka dibadiisa.

Madaxweyne Deni ayaa weli ka hadlin safarka uu uga yimid dalka badadiisa, waxaana la aaminsan yahay in uu ku maqnaa dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo inta badan u safri jiray. Ma jirin mas’uuliyiin Puntlanad ah oo safarka dibada ku weheliyay madaxweynaha, marka laga reebo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Safarkan ayaa ahaa kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo Madaxweyne Deni tan iyo intii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland 8 Jan 2024.

PUNTLAND POST