Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa inta ku sugan yahay degmada Caabudwaaq la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato maamulka degmada , waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caabudwaaq.

Qoor Qoor oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa hadda u muuqda in Caabudwaaq ka bilaabayo olole uu ku doonayo in uu ku kasbado bulshada ku dhaqan degmadaasi, maadaama uu mar kale u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa sidoo kale la filayaa in uu tago degmooyin kale oo katirsan Galmudug, waxa uuna halkaasi ka sameyn doonaa olole uu ku doonayo in mar kale dib loogu doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMaamulka Puntland oo eedeyn cusub u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya