Man City Oo Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Garaacday Tottenham & Chelsea Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Aston Villa.

Kulan xiiso lahaa ayaa dhexmaray kooxaha Tottenham iyo Man CIty kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran iyada oo labada kooxoodba u ciyaareen si qurux badan.

Koox kasta dhinaceeda ayay u doonaysay in ay dhaliso goolal xilli ay sidoo kale daafac adag ku jiraan.

Labada kooxood ayaan wax goolal ah kala dhalin qaybta hore inkasta oo ay sameeyeen fursado aan xad lahayn.

Laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay wax walba is badaleen iyada oo kooxda Man City dhalisay gool.

Daqiiqadii 88-aad ayay Man City dhaisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nathan Ake kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay Man City oo garaacday Tottenham iskana xaadirisay wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Dhinaca kale chelsea ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Aston Villa kulan ay Blues ciyaari doonto kulan ku celis ah.