Maxkamad kutaalla dalka Kenya oo go’aan kasoo saartay Ciidamo oo loo diri lahaa dalka …

Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa kahor timid qorshe dowladda madaxweyne William Ruto ciidamo booliis ah ugu diri laheyd dalka Haiti, oo ay ka jiraan rabshado ay ku lug leeyihiin kooxo burcad hunbeysan ah.

Dowladda Kenya ayaana horaanta sannadkan qorsheeneysay in ciidamo booliis nabad ilaalin ah u dirto dalka Haiti, hasa ahaatee waxaa qorshahaasi hadda kahor timid oo diiday maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Xaakimka maxkamadda sare ayaa ku dooday in geeyista ciidamadan dalka Haiti ay noqon doonto mid sharci darro ah, maadaama golaha ammaanka qaranka uusan lahayn awood sharci oo ay booliska ugu diri karaan meel ka baxsan Kenya.

Waxa uu xaakimka maxkamadda sare caddeeyay in golaha ammaanka qaranka Kenya kaliya awood u leeyihiin in dalka Haiti geeyaan ciidamo aan booliis aheyn oo loogu tala galay howlgallada nabad ilaalinta .

Kenya ayaa sannadkii hore oggolaatay in ay hoggaamiso ciidamo booliis ah oo loo diro dalka rabshadaha la degeen ee Haiti, waxa ayna dowladda qorsheysay in boqolaal askari u dirto dalkaasi, lamana oga go’aanka maxkamadda sida uu arrintan u saameun doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –