Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliye cusub

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nasa Ige u magacaabay la-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada”.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay magacaabayay la-taliyeyaal farabadan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caana.

PUNTLAND POST