Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maareeye cusub u magacaabay Hay’adda Taya-Dhawrka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44, waxa uuna xeerkan ku magacaabay  Maareeyaha cusub ee Hay’adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed.

Wareegtada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo saaray ayaa loogu magacaabay Mudane Cali Yaasiin Gurbe, inuu noqdo Maareeyaha cusub ee Hay’adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed.

Cali Yaasiin Gurbe ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta qurbajooga ee dalka kusoo laabtay, waxa uuna ninkan kamid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii doorashada madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDab Khasaaro nafeed geestay oo caawa ka kacay guri kuyaalla magaalada Muqdisho