Maxay Puntland ugu gurman weyday wiilka godku ku dumay?

Dad shacab ah ayaa weli la daalaadhacaya sidii ay u samatabixinta lahaayeen wiil dhalinyaro ah oo xalay saqdii dhexe uu ku dumay god kuwa dahabka laga qodo ah oo ku yaalla deegaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Cali waxaa ku dumay god lagu qiyaasay ilaa 30 mitir, welina lama yaqaan nolol iyo geeri mid uu ku sugan yahay.

Dowladda Puntland ayaa wax gurmad ah u dirin goobta uu ka socdo howlgal gurmadka, waxayna taasi sababtay in dhaleecayn loo mariyo baraha bulshada.

Muuqaalo la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan oo laga soo qaaday godka wiilka ku dumay ayaa muujiyay tiro yar oo dad ah iyo dhowr wiishash oo ka qaybqaadanaya samatabixinta Maxamed Siciid Cali.

PUNTLAND POST