Madaxweyne Qoor Qoor oo shaaciyay in beri aan la barakicineyn dadka degan Dab-damiska

Guddi odayaal ah oo ka socday dadka degan xerada Dab-damiska ee Muqdisho ayaa galabta hoygiisa ugu tagay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, iyaga oo cabasho ka ah dowladda oo dadkaasi ka saareysa xerada ay degan yihiin.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa odayaasha u tagay ka dhageestay cabashooda ku aadan dhulka dowladda leedahay ee la amray in laga saaro, waxa uuna Madaxweynaha odayaasha ugu laab qaboojiyay in uu xaalada dejinayo.

Qoor Qoor oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in aysan beri jiri doonin barakicin lagu sameeyo dadka degan xerada Dab-damiska, waxa uuna u sheegay in in Madaxweynaha u tagayo kalana hadlayo in dadkaasi aan la barakicin.

Waqti kama dambeys ah oo booliiska Soomaaliya u qabteen dadka degan dhulka xerada Dab-damiska ayaa beri oo Sabti ah ku eg, waxa ayna dadka degan dhulka dowladda ku adkeesteen in aysan halkaasi ka guuri doonin ayna diyaar u yihiin in ay ku dhintaan.

Xiisad ayaana ka taagan aagga ee kutaallo xerada Dab-damiska ee Muqdisho, waxaana halkaasi isugu tagay maleeshiyo beeleed , kuwaa oo doonaya in ay kahor tagaan ciidamada booliiska ee doonaya in dadka halkaasi degan ka saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleGabar ay dhashay Ilhan Cumar oo Mareykanka lagu xiray iyo Sababta oo la ogaaday