Madaxweyne Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo saakay ka ambo baxay magaalada Hargeysa ayaa gaaray caasimadda dalka Jabuuti.

Muuse Biixi iyo wefdiga la socday waxaa si diiran madaarka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’isal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo masuuliyiin kale oo dowladda Jabuuti katirsan.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wasiirka gaashaandhigga, oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi, iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –