Ciidamada Macawuusleyda oo dagaal kula wareegay Deegaan Al Shabaab maamulayeen

Ciidamada macawuusleyda gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday degaanka Buurweyn oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen Al Shabaab.

Dagaal ayaa wararku sheegayaan in labada dhinac ku dhax maray deegaanka, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in halkaasi isaga baxeen Al Shabaab ayna la wareegeen ciidamada deegaanka .

Sargaal hoggaaminayay ciidamada deegaanka ee la wareegay deegaanka Buurweyn ayaa sheegay Al Shabaab jab xooggan ku gaarsiiyeen dagaal saakay ay la galeen, waxa uuna xusay in deegaanka si buuxda ula wareegeen ayna ka wadaan howlgalo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa horey ula wareegay deegaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan, halkaas oo sannado badan Al Shabaab maamulayeen , balse hadda gacantooda ka baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMadaxweyne Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti (Sawirro)