Xabaal wadareed cusub oo laga helay agagaarka Isbitaalka Al-shifa ee Gaza

Kooxaha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay heleen xabaal wadareed saddexaad oo ku dhex jira dhismaha caafimaadka ee Isbitaalka Al-Shifa , iyaga oo soo saaray meydadka 49 dheeraad ah, Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay.

“Shaqaalaha dowladda ayaa weli soo saaraya meydad badan ilaa hadda, howlgalladii soo saaristana ma dhammaan,” ayaa lagu yiri bayaanka “Waxaan rajeyneynaa inaan helno tobanaan meydad oo cusub.”

Wasaaradda ayaa la wadaagtay muuqaal muujinaya ka soo kabashada haraadiga ka soo baxay gudaha barxadda isbitaalka ee magaalada Gaza. Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, waa xabaal wadareedkii toddobaad ee laga helay gudaha isbitaallada ku yaal Gaza., hal xabaal-wadareed oo ku yaalla Isbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia iyo saddex ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Nasser ee Khan Younis ayaa la helay.

Maamulka Gaza ayaa sheegay in guud ahaan xabaalaha ay ka soo saareen 520 meyd ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dambiyada xasuuqa iyo dilalka joogtada ah ee ay ciidamada gumeysigu ku hayaan dadkeena reer Falastiin ee ku sugan gudaha iyo dibadda isbitaallada, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah inay cambaareeyaan fal-dambiyeedkan foosha xun,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda. “Waxaan u haynaa maamulka Mareykanka, beesha caalamka, iyo gumeysiga ‘Israa’iil’ inay si buuxda mas’uul uga yihiin xabaalo-wadareedkan iyo gardarrada qaawan ee ka dhanka ah aadanaha.”

– Advertisement –